Qaxootiga Soomaalida Kenya oo la rarayo December 2014

0

Hay’ada Qaxootiga qaabilsan ee UNHCR ayaa bisha soo socota bilaabi doonta in la raro dadka qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Qaxootiga ee waqooyiga dalka Kenya.

Dadka qaxootiga ah ayaa la sheegay in marka hore la geyn doono degmada Libooye ee xaduuda Soomaaliya iyo Kenya, kadibna lasiin doono lacag iyo raashin ay dadkaasi dib ugu degaan goobihii ay kasoo baro-kaceen.

UNHCR ayaa sheegtay inay ka taageeri doonto dadka qaxootiga ah raashinkooda muddo sadex bilood ah marka ay tagaan deegaanada ay dib ugu noqonayaan.

Qorshaha dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya ayaa marar hore dib u dhac ku yimid, wallow aan la aqoon sida ay Soomaalida qaxootiga ah uga qeyb qaadan doonaan mashruucan dib ugu celinta dalkooda.

Arabsiyonews.com
Hargeisa office