Obama oo kulan la yeeshay Hogaamiyayaasha Madowga Maraykanka

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa kulan la yeeshay hogaamiyayaasha dadka laga tiro badan yahay oo ay ku jiraan dadka madowga ah ee wadankaasi Maraykana.

Kulankan ayaa ah mid Obama uga jawaabayo xiisada ka dhalatay dilkii loo geystay wiil Madow oo lagu magacaabo Michel Brown oo bishii Agoosto askari cadaan ah ku dilay magaalada Ferguson ee gobalka Missouri.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii maxkamada gobalkaasi Missouri ay sheegtay in aan la dacwadeyn karin askariga dilkaasi geystay.

Dadka Madow ee dalka Maraykanka ayaa ka cabanaya falalka sharciga ka baxsan oo ay Askarta la beegsadaan, waxayna codsanayaan in sharci cusub loo sameeyo Booliiska Maraykanka isla markaana askari walba lagu khasbo inuu qaato Kamero (Camera) duubeysa hawl maalmeedkiisa.

Obama-boliiska-kameroKamerooyinka askarta lasiin doono ayey dadka madow aaminsan yihiin in ay xakameyn karto ku takrifalida awooda ay Booliiska u adeegsadaan dadka madow.

Obama ayaa Baarlamaanka Maraykanka ka codsaday $263 milyan oo dollar oo loogu talo galay in lagu qalabeeyo booliiska sida kamerooyina ay qaadanayaan, wuxuuna Madaxweynaha Maraykanka magacaabay guddi soo baara habka lagu hagaajin karo shaqada Booliiska Maraykanka ee cabashada ka timid.

Arabsiyonews.com
washinton office