Ururka Diimeedka Ahlusuna waljameeca oo qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliya maamula dagaalna kula jira ururka Al-shabaab ayaa go’aan ka soo saaray in ciidamadooda lagu daro ama lagu mideeyo kuwa dowladda Soomaaliya oo dhawaan la hadal hayey.
Xoghayaha Difaaca Ahlusana waljameeca Sh Isxaaq Mursal ayaa warbaahinta u sheegay in aysan marna dhacayn in ciidamadooda lagu biiriyo kuwa dowladda Soomaaliya isagoo ku sababeeyey in Dowladda Federaalka ay ka soo bixi weyday heshiis uu sheegay in Ahlusuna la gashay dowladda Federaalka.
Sh. Isxaaq waxa uu sheegay in ciidan kooda Ahlusuna uu yahay mid awood iyo tababar xoogan u qaba in ay la dagaalamaan ururka Al-shabaab oo dagaal xoogan kala dhaxeeya, wuxuu xusay in ciidankooda ay ka awood badan yihiin Al-shabaab taageero iyo gacan qabadna uga baahnayn Dowladda Soomaaliya ilaa ay ka soo baxaan heshiiskii ay wada galeen.
Dhawaan war ka soo baxay madaxdweynaha Soomaaliya Xasan shiikh ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ku guda jirto mideynta ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada maamul goboleedyada dalka oo ay ka mid yihiin Ururka Ahlusuna.
Aerabsiyonews,com
Muqdisho office








