Midawga Yurub Oo Soo Dhaweeyay Ansixinta Komishanka Doorashada Somaliland – See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Midawga-Yurub-Oo-Soo-Dhaweeyay-Ansixinta-Komishanka-Doorashada-Somaliland.

0

Ergayga Midawiga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia MR Michele Cervone d’Urso, ayaa sheegay in Midawga Yurub Komishanka Cusub ee Somaliland u taageeri doono sidii Hay’adda ugu muhiimsan ee suuro galinaysa qabsoomida doorashada badhtamaha sanadka soo socda.

Ergayga ayaa Boggiisa Twitter-ka ku shaaciyay qoraal kooban waxaanu ku yidhi “Waxaanu soo
dhawaynaynaa Ansixinta Komishanka Doorashada Somaliland ee Baarlamaanka ansixiyay.
Midawga Yurub wuxuu Komishanka cusub u taageeri doonaa inuu yahay Hay’adda ugu
muhiimsan ee furaha u ah qabsoomida doorashada sanadka 2015-ka”

Beesha Caalamka ayaa la rumaysan yahay inay Xukumadda ku caddaadisay meel marinta Komishanka doorashada iyo Xeerka diwaangalinaha codbixiyeyaasha iyo muwaadiniinta oo
muran badan ka taagnaa mudooyinkii u dambeeyay balse haatan labadaba la ansixiyay. Mucaaradka ayaa habsanka Komishanka iyo xeerka ku macneeyay qorshe xukumaddu dib ugu dhigayso doorashada.

Arabsiyonews.com
Hargeisa office