Madaxweynaha Dalka Kenya Uhura Kenyata wuxuu xilka ka qaaday wasiirka Arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Ole Lenku isagoo xilkaa u magacaabay Gen. Joseph Nkaisery ka dib markii ay xoogeystay eedeynta iyo cambaaraynta loo jeedinayey Joseph Ole Lenku iyo waxka qabad la’aanta Amniga xuduudaha Kenya.
Sidoo kale madaxweyne Kenyata wuxuu warqada iscasilaada ka aqbalay Taliyaha booliska Kenya David Kimaiyo oo muddo xilkaan soo hayey oo isna bilihii u dambeeyey lagu eedeynayey in uu wax ka qaban waayey amni darida dalka Kenya ka jirta sidaasna u gartay in uu xilka iska casilo.
Madaxweyne Uhuru Kenyata oo maanta khudbad ka jeediyey TV dalka Kenya ayaa ku xaqiijiyey go’aamadan uu gaaray isagoo sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo labadii todobaad dilal ka geysatay gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Uhuru Kenyata wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga adkaado maleeshiyaadka Al-shabaab e dhuumaalaysiga ku yimaada gudaha Kenya isagoo sheegay in sidoo kale Kenya Xoojinayso dagaalkeeda ka dhanka Kooxda Al-shabaab.
Ururka Al-shabaab ayaa bilowgii todobaadkii hore duleedka Mandhera ku diley 28 ruux oo ay kala degeen Bus u socday magaalada Nairobi, waxaana sidoo kale ay maanta oo talaado ah ku duleen goob laga qodo dhagaxa 36 Kenyan ah
Arabsiyonews.com
Nayrobi office








