Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Isutaga Imaaraadka Carabta Sanad Guurada 43 Ee Ka Soo Wareegtay Midayntii Imaaraadka Carabta. –

0

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Isu-taga Imaaraadka carabta iyo Madaxdiisaba Alle uga baryayaa

War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Isu-taga Imaaraadka Carabta, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sanad guurada 43-aad ee ka soo wareegtay (Ciidal Itaxaad ) midayntii Imaaraadka Carabta awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Madaxweynaha Isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayed Bin Sultan Al Nahyan iyo shacbiga Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo qotodheer.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Isu-taga Imaaraadka carabta iyo Madaxdiisaba Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo
Rayn-rayn,
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.