Wasiir Samaale Nin Tolkii U Libaax Ah, Shisheeyahana U Bisad Ah!!
Guud ahaan Waxaan Salaamayaa Bulshada Somaliland meel kastoo ay joogaan, marka xiga waxaan maanta Jeclaystay qalinkana aan u qaatay in aan wax yar ka yidhaa Dhaqanada Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo runtii ah siyaasi socod barad ah, Siyaasadana ku barbartay Deegaanada uu ka soo jeedo ah Beesha Degta Waqooyiga, Galbeedka Iyo Hawdka Hargeysa (Sacad Muuse), Cabdicasiis Maxamed Samaale muu ahayn shaqsi Siyaasada lagu yaqaanay ka hor intii uu ku soo biiray Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu Siyaasada la bilaabay Doorashadii Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee Wakhtigan jooga, wuxuu ku biiray oo uu iska soo sharaxay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, wuxuuna ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex uga soo baxay Xisbiga Kulmiye, waxa uu noqday Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilda Somalilad, intii Xukuumadii Riyaale.








