36-qof oo lagu dilay weerar ka dhacay meel ku dhow Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

0

Nairobi(AN)Dadka la laayey ayaa lagu soo waramaayo in ay ahaayeen xamaalato ka shaqeysan jirey kaawo ( goob laga qodo dhagaxa).

 

Saxaafadda caalamiga oo la xiriirtay Saraakiisha Booliska ayaa ku waramaya in dableyda ka dambeysay weerarka ay dadka kala sooceen oo ay u kala saareen inta muslimiinta ah iyo kuwa aan ahayn, kadibna ay toogteen inta aan muslimiinta ahayn.

Waa weerarkii labaad oo ka dhaca aaga magaalada Mandheera oo u dhow Xadka Soomaaliya iyo Kenya oo lagu laayo dad rayid ah.

20-ka bishii lasoo dhaafay ayaa 28-qof la socday bas rakaab ah ay laayeen kooxo hubeysan kadib markii baska ay jidka u galeen deetana ay dileen intii aan muslimiinta ahayn.

Ururka xagjirka ah ee al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana looga shakisan yahay in weerarkan sidoo kale ka dambeeyaan.

Shacabka ku nool Mandheera ayaa marar badan baaq ujeediyey Dowladda Kenya oo ku saabsan in wax ka qabato amni darrada ka jirta magaalada.

Arabsiyonews.com

Nairobi / Office