Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabtay eedaymo ka soo yeedhay Soomaaliya, kuwaasi oo lagu sheegay in Somaliland khalkhalisay Maamulka Hawada.
Maareeyaha Duulista iyo Maamulka Madaarrada ee Somaliland Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa qoraal u diray Hay’adda ICAO iyo waddamada Beesha Caalamka, waxaanu sheegay in Somaliland Maamulanayso Hawadeeda, iyadoo wada-shaqayn kala yeelanaysa Beeaha Caalamka.
Warqad uu ku socodsiiyey Hay’adda ICAO, ayaa u qornayd sidan “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan caddaynayaa sida hagar la’aanta ah ee ay nooga go’an tahay ku dhaqanka mabaadi’da iyo xeerarka ku qeexan heshiiska Chicago ee duulista hawada caalamiga ah.
Anagoo ah xubnaha mas’uulka ka ah duulista hawada, waxaa muhiim ah inaan ilaalino heerarkan la dejiyay si aan u hubinno badbaadada, hufnaanta, iyo amniga safarka hawada ee adduunka oo dhan.
Hadaladii u dambeeyay ee ka soo yeedhay hay’adda duulista iyo hawada Soomaaliya ee ku saabsanayd in Somaliland si sharci darro ah u joojisay duulimaadyada hawada Soomaaliya ayaa ah mid aad u murugo badan oo mudan in si degdeg ah loo caddeeyo.
Waxaa wax laga xumaado ah in wararkaas been abuurka ah la faafiyo, maadaama aysan kaliya wiiqin shucuurtii wada shaqayneed ee ka dhex jirtay Hay’adaha duulista, balse ay khatar ku tahay ammaanka iyo nabadgelyada gaadiidka cirka ee gobolka.
Waxaan si cad u beeninaynaa eedeymahan aan sal iyo raad toona lahayn.
Somaliland waxa ay si buuxda ugu hogaansantaa shuruucda iyo qawaaniinta duulimaadyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan kuwa ku cad heshiiskii Chicago.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado in maamulka dhulkeena, oo ay ku jiraan maamulka hawadayada uu si buuxda u Maamulkeeda
Sheegashada ah in maamulka Muqdisho ay gacanta ku hayaan hawada Somaliland, maaha oo kaliya mid aan sal iyo raad toona lahayn, balse sidoo kale waxa uu walaac weyn ku abuurayaa badqabka gaadiidka hawada. Marka loo eego heshiiska Chicago, waddan kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu maamulo hawada sare ee dhulkiisa. Sidaa darteed, isku day kasta oo ay masuuliyiinta dibeddu ku doonayaan inay ku caddeeyaan maamulka hawadda Somaliland annagoo ogolaansho naga haysan, maaha oo keliya wax xad-gudub ku ah shuruucda caalamiga ah ee waxay khatar gelinaysaa badqabka socdaalka hawada ee gobolka.
Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka iyo ICAO inay diidaan wararka been abuurka ah iyo sheegashooyinka beenta ah ayna ilaaliyaan mabaadi’da Axdiga Chicago, kaas oo xoogga saaraya muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida dawlad kasta oo ilaashanaysa Hawadeeda.
Waxaa lama huraan ah in dhammaan dhinacyada ku lugta leh maamulka hawada ee gobolku ay u hoggaansamaan hab-maamulk la dajiyay oo ay wada hadal wax ku ool ah yeeshaan si loo xaqiijiyo badbaadada iyo hufnaanta safarka hawada.
Gabagabadii, aan dib u caddeeyo sida ay Somaliland uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da Axdiga Chicago iyo in aan si wada jir ah ula shaqayno dhammaan dhinacyada ay khusayso si loo horumariyo ujeedooyinka aynu wadaagno.
Waxaan diyaar u nahay inaan iskaashi la samayno beesha caalamka iyo ICAO si loo xaqiijiyo daacadnimada iyo amniga hawada caalamiga ah.”









