Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Soomaaliya Khatar Ku Tahay Nabadda Caalamka

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale Maanta ka hadlay Xaaladda dalka, doorashooyinka iyo heshiiska Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in ĺoo baahan yahay in Shacabka Somaliland la mideeyo isla-markaana doorashada xilligeeda lagu qabto.

Wuxuu sheegay in Dawlado shisheeye ay lacago soo geliyeen dalka, si ay bulshada u kala qaybiyaan, una fashiliyaan heshiiska Aqoonsig.

Wuxuu ceeb ku tilmaamay in hoggaaminta dalka lagu sheego mid ay doorkan reer gaar ahi xaq u leeyihiin, maaddaama oo doorashada loo siman yahay, dalkana uu Madaxweyne ka noqonayo qofka ay Shacabku doortaan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office