UK Oo Danaynaysa In Deg-deg Xal Looga Gaadho Qadiyadda Somaliland

0

UK (Arabsiyo) – Dawladda Ingiriiska, ayaa ka hadashay heshiiska Isafgaradka ah ee ay dhawaan kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarka ee Uk, ayaa lagu sheegay in khilaafka ka dhashay Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya loo baahan yahay inaanu wax u dhimin xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha dibeddu waxay sheegtay in iyada oo kaashanaysa Beesha Caalamka ay dhiirigelinayso in Itoobiya iyo Soomaaliya wada-hadal ku xalliyaan khilaafkooda ka dhashay heshiiska badda ee Somaliland, kana fogaadaan wixii dhibaato ku ah amniga Geeska Afrika.

“Waxaan sii wadeynaa dhiirigelinta wadahadalka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana ku boorineynaa cid walba oo ku lug leh inay ka fogaadaan xiisad iyo tallaabo kasta oo khatar gelineysa xasilloonida Geeska Afrika.” Ayay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Ingiriisku, waxayna intaas ku dartay in loo baahan yahay in Soomaaliya iyo Somaliland ka wada-hadlaan Maqaamka Somaliland “Waxaanu qabnaa in xalinta maqaamka Somaliland ay tahay arrin u taalla Soomaaliya iyo Somaliland inay ku go’aansadaan hanaan wada-tashi”

UK oo ka mid ah Dawladaha dhiirigelinaya heshiiska aqoonsiga Somaliland ee Itoobiya, ayaa diblumaasiyad ahaan iska dhowraysa inay si furan u taageerto heshiiska, iyadoo ilaalinaysa dareenka xulafadeeda.

Laakiin, inay xilligan ka hadasho maqaamka Somaliland, ayaa muujinaysa sida ay u danaynayso in go’aan laga gaadho Madax-banaanida Somaliland.

← Back

Thank you for your response. ✨