Hargeysa (Arabsiyo) – Kooxda loo yaqaano G21 oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Faarax Macalin iyo Cabdiweli Cali Gaas oo si weyn uga soo horjeeda Horumarka Somaliland, ayaa bilaabay qorshe ay ku hagar-daamaynayaan Somaliland.
Kooxda G21 oo xagga dambe ka hagayey dagaalka Laascaanood, ayaa xilligan bilaabay qorshe kale, kaasi oo la xidhiidha inay ka hor-tagaan Saldhigga Dawladda Maraykanku ka samaysanayso Magaalada Berbera, ka dib markii ay ogaadeen in heshiiskii arrintaa la xidhiidhay uu u dhamaaday Somaliland iyo Maraykanka.
Kooxda G21, ayaa la sheegay inay shir deg-deg ah oo ku yeelanayaan Magaalada Nairobi, si ay uga wada-hadlaan qorshe lid ku ah Saldhiggaasi, wallow aanay lahayn awood ay kaga hor-tagaan.
Dawladaha Maraykanka iyo Somaliland, ayaa la sheegay inay si rasmiya u dhamaystireen heshiiskii la xidhiidhay saldhigga Magaalada Berbera, waxaana la weriyey in inta aanu sanadkani dhamaanin uu Ciidankiisa deggan dalka Jabuuti uu u soo wareejiyo Saldhigga Berbera ee S/land, arrintaasina waata ay ka cadhoodeen cadowga Somaliland ee uu Farmaajo ka mid yahay.









