Ciidamada Qaranka Oo Bilaabay Dhaqdhaqaaqyo Xoog Leh

0

Oog (Arabsiyo) – Ciidamada Qaranka JSL, ayaa dhaqdhaqaaqyo xoog leh ka bilaabay deegaannada dhanka galbeed ka xiga Magaalada Laascaanood.

Ciidanka Qaranka oo Saldhigga Oog ka wada diyaar-garowga dagaal culus oo ay Maleeshiyaadka Huwanta kaga saaraan deegaannada kaga sugan yihiin galbeedka Laascanood, ayaa labadii Maalmood ee u dambeeyay dhaqdhaqaaq sameeyay.

Warar ay Warbaahinta Arabsiyo ka heshay Oog, ayaa sheegay in Ciidanku ay gaadheen duleedka degmada Guumays oo ay dhanka bariga ka fadhiyaan Huwantu, halkaana ka sameeyeen hawl-gal qiimayn ah.

Sidoo kale, waxa la weriyey in Ciidanku gaadheen deegaannada loo yaqaano dhoodiga iyo meelo kale, si ay qiimayn ugu sameeyaan Maleeshiyaadka ku sugan.

Wararka dheeraadka ah ee halkaa naga soo gaadhay, ayaa sheegay in kooxaha Huwanta ah ay soo wajahday cabsi weyn oo ay ka qabaan weerarrada u qorshaysan Ciidamada Qaranka.

Cabsida Soo waajahday Huwanta isku urursaday Deegaannada Guumays iyo Yagoori ka xiga dhanka Laascaanood, ayaa waxa sii xoojiyey dhawaaqa Hub cusub oo Ciidamada Qaranku ay Maalmihii u dambeeyay tijaabinayeen, hubkaas oo uu ku jiro hub wax ka dilaya masaafo dhan 60KM.

Xogaha ayaa Intaa ku daraya in Maleeshiyaadka Huwanta ee ku sugnaa duleedka degmada Yagoori ay halkaas dib uga guuraan, ka dib markii ay ogaadeen awoodda hubka Ciidamada Somaliland tijaabiyeen.

Ugu dambayn, Ciidamada Qaranka JSL oo Toddobaadyadii u dambeeyay si weyn ugu diyaar-garoobayey saldhiggooda Oog, ayaa la saadaalinayaa Inay Maalmaha soo socda ruqaansadaan, si ay meesha uga saaraan Kooxaha Huwanta ah ee ku sugan deegaannada galbeedka Laascaanood, hawl-galkaas oo noqonaya wejiga koowad ee gulufka u qorshaysan Ciidamada Qaranku inay qaadaan, halka Wejiga 2-aad noqonayo hawl-galka dib loogu soo celinayo gacan ku haynta Laascaanood.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office