Guddiga Jaaliyadda Reer Sheekh Isaxaaq Ee Dalka Qadar Oo Hoggaan Doortay + SAWIRRO

0

Qadar (Arabsiyo) – Jaaliyadda Beel-weynta Reer Sheekh Isaxaaq ee ku nool dalka Qadar, ayaa kulan ay iskugu yimaaddeen ku doortay Guddoomiye cusub.

Jaaliyadda beesha reer Sheekh Isaxaaq, ayaa Guddoomiye u doortay Xaaji Cali Aadan Qalinle.

Shir-saxaafadeed ay qabteen Guddiga Beeshu Dorashadaasi ka dib, ayaa waxay ku faahfaahiyeen ujeeddada doorashada Guddoomiyaha iyo qorsheyaasha Midnimada Jaaliyadda beesha ee dalka Qadar.

Guddoomiyaha cusub oo halkaa ka hadlay, ayaa yidhi ” Guddigani waxay ka kooban tahay 17 xubnood, waxayna ka shaqaynaysaa dadka isku duubnidooda”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Guddigani uma samaysna inay cid duulaan ku tahay, sidaa darteed waxaanu ka codsanaynaa Reer Sheekh Isaxaaq meel kasta oo ay adduunyada ka joogaan Midnimadooda ilaaliyaan..” ayuu yidhi Guddoomiye Cali Aadan Qalinle.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddigaas Cabdicasiis Ibraahim, Xoghayaha Guddiga Cabdiraxmaan Jaamac iyo xubno kale oo Guddiga ka mid ah, waxayna dhamaantood baaq midnimo ah u direen Beel-weynta reer Sheekh Isaxaaq ee dunida dacalladeeda ku kala sugan.

Warkan Oo Muuqaal Ah Hoos Ka Daawo.

https://fb.watch/nglu1bJXiO/

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office