N.Y (Arabsiyo) – Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa Faham khaldan ka gudbiyey Ujeeddada laga leeyahay Wada-hadallada Somaliland.
Madaxweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyey Kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa soo qaatay Tusaaleyaal la xidhiidha dedaallada Nabad-dhisidda ee dalalka Qaaradda Afrika.
Warbaahinta Capital FM, ayaa baahisay in Madaxweyne Ruto uu la wadaagay Qaramada Midoobay tusaaleyaal muujinaya horumarka laga gaadhay xallinta khilaafaadka Afrika oo dhan, isagoo muujiyay muhiimadda dadaallada nabad-dhisidda.
Waxay sheegtay inuu bogaadiyay hindisayaasha ay ka mid yihiin heshiiskii Juba ee nabada Suudaan, wada-hadalladii Congo ee Nairobi, iyo dedaallo uu sheegay in dib loogu heshiisiinayo Soomaaliya iyo Somaliland, taasi oo faham ahaan khaldan, maaddaama oo Somaliland oo ka madax-banaan Soomaaliya ay doonayso in wada-hadalladu noqdaan albaabkii ay Madax-banaani iyo aqoonsi ku heli lahayd.
Hadalka Madaxweynaha Kenya, ayaa ku soo beegmaya xilli dalkiisu uu qunsuliyad ku leeyahay Hargeysa, Somaliland-na xafiis diblumaasiyadeed ku leedahay Nairobi.









