Baarlamaanka IRAN Oo Ansixiyey Sharci Ciqaabaya Haweenka Xijaabka Diid

0

Iran (Arabsiyo) – Baarlamaanka Iran ayaa meel mariyay sharci lagu kordhinayo ciqaabta ay la kulmayaan haweenka ku xadgudba xeerka labiska Islaamka ee dalkaas. Waxay wajihi doonaan ilaa toban sano oo xabsi ah. Haddii uu ansixiyo Golaha Ilaalada ee Iran. Tan iyo markii ay billowdeen mudaaharaadyo baahsan sannadkii hore – oo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini – dumar badan oo Iran u dhashay ayaa diiday inay timahooda asturaan.

Sida ku cad sharciga cusub, qof kasta oo dumar ah oo loo arko in uu jebinayo xeerka lebbiska iyadoo kaashaneysa ” hay’adaha ajnabiga ah” waxay la kulmi doontaa xukunnada ugu adag.

Qof kasta oo lagu helo isaga oo ku jeesjeesaya xijaabka baraha bulshada ama warbaahinta ayaa sidoo kale la ganaaxi doonaa.

Bilihii la soo dhaafay mas’uuliyiintu waxay kordhiyeen tillaabooyin lagu dhaqan gelinayo xeerka lebiska.

Waddooyinka, roondooyinka bilayska akhlaaqda ayaa dib loo soo celiyay, kamaradaha ilaalinta ayaa lagu rakibay goobaha dadweynaha.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office