Dab Xooggan Oo Ka Kacay Suuqa Wajaale

0

Wajaale (Arabsiyo) – Dab xooggan, ayaa Caawa Fiidkii ka kacay Suuqa Ganacsiga ee Magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley.

Dabkan oo ka kacay badhtamaha suuqa Bacadlaha ee loo yaqaano Taiwan, ayaa saameeyay qaybo ka mid ah suuqaasi.

Illaa hadda lama sheegin sababta Dabka dhalisay, laakiin waxa socda dedaal, si loo bakhtiiyo isla-markaana aanu Suuqa iyo Magaalada inteeda kale ugu fidin.

Dabka oo ka xoog batay dadka ku sugan Wajaale awgeed, waxa halkaas gaadhay Gaadiidka Dab-damiska ee Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Jigjiga oo ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo iska kaashanaya bakhtiinta dabkaasi.

Qof goob-joog ah oo Arabsiyo News la xidhiidhay, ayaa sheegay in dabku saameeyay boqollaal Meheradood, wallow aan tiradooda xilligan la xaqiijin karin, halka uu socdo gurmad kale oo meheradaha aanu weli gaadhin lagaga gurayo alaabta, si loo bedbaadiyo.

Maaamulka Gobolka Gabiley iyo laamaha amaanka oo halkaas ku sugan, ayaan weli wax war ah ka soo saarin, maaddaama oo xaaladdu adag tahay, balse waxa la filayaa in saacadaha soo socda laga warramo masiibadan, wallow xoghayaha degmada Wajaale sheegay in booyadihii gurmadka fidin lahaa haysan meel ay biyo ka soo dhaamiyaan, taasina qayb ka tahay inaan lagu guulaysan bakhtiinta dabkan oo kacay abaarro 8-dii fiidnimo.

Weli, lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi..

Dadweynaha Somaliland iyo Soomaalida kale, ayaa dabkan toos ugala socda Baraha Bulshada, waxayna muujinayaan sida ay uga xun yihiin, halka qaar kale sheegayaan in khasaarahan la filan karayey, iyagoo dhaliilsan inaan baadhitaan lagu samaynin gubadhasii Suuqa Waaheen ee Hargeysa, kaasi oo Somaliland ku wayday lacag ku dhow 3 Billion oo dollar.

Gubashada suuqa Wajaale, ayaa ahayn kii koowaad ee ka dhaca dhulka Soomaalida, balse waxa hore u gubtay Suuqa Muqdisho ee Bakaaraha, Suuqa Jigjiga, Kismaayo iyo meelo kale, laakiin midna lama sheegin sababta dhalisay, balse Guddiyadii la sameeyay waxay isku hawleen uun dhaqaale ururin, halka Laamaha amaankuna waxba ka odhanin.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office