Ururka Midowga Afrika Oo Ku Biiray G20

0

India (Arabsiyo) – Ra’iisul-wasaaraha dalka Hindiya Modi oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku casuumay Midowga Afrika (AU) inay ka mid noqdaan G20.

Ka mid noqoshada Midowga Afrika ayaa si weyn loo sugayay ka hor inta aanu shirku furmin.

Go’aanka ayaa sii xoojin doona dedaalka Modi ee ku aaddan in India laga dhigo codka Koonfurta Adduunka.

Shirwaynahani waxa uu markhaati ka yahay go’aan taariikhi ah.

Ururka Midowga Afrika oo ka kooban 55 dal oo xubnaha ka ah ayaa ku sugan shir-madaxeedka oo lagu casuumay kana socda Hindiya.

Hadda, waxay yeelan doontaa maqaam la mid ah tan Midowga Yurub.

Hindiya waxay u doodaysay ka mid noqoshada Midowga Afrika muddo bilo ah.

Waddamada sida Russia, Maraykanka, Australia iyo Japan ayaa sidoo kale taageeray tallaabadan, kadib markii Madaxweynaha Senegal Macky Sall uu soo jeediyay 2022-kii markii uu ahaa guddoomiyaha Midowga Afrika.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in tallaabadani ay xoojin doonto codka Global South oo Hindiya ay doonayso inay ku matasho waxayna siin doontaa waddamada Afrika madal caalami ah oo lagu muujiyo dhibaatooyinka ay la kulmaan waddamada soo koraya, iyo sidoo kale inay wax weyn ka sheegaan go’aannada iyaga khuseeya marka ay gaadhaan waddamada ugu qanisan adduunka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office