Ukrain (Arabsiyo) – Dadka ku nool meelaha uu Ruushku haysto ee Ukraine ayaa laga codsaday inay codkooda ka dhiibtaan waxa lagu tilmaamay doorashada deegaanka, taasi oo Kyiv ku tilmaantay doorasho sharci-darro ah.
Dhanka kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa cambaareysay booqasho ay fannaanad Shiinees ah ku tagay magaalada Mariupol ee uu Ruushka haysto.
Fiidiyowga ayaa muujinaya iyada oo bandhig faneed ku jirta, oo ku dhex jirta tiyaatarka ku burburay duqeyntii Ruushka halkaa ka geystay sannadkii hore.









