Kigali (Arabsiyo) – Booliska, ayaa sheegay in dalka Rwanda lagu xidhay nin la tuhunsan yahay inuu yahay dilaa, ka dib markii ay meydadka in ka badan 10 qof ka heleen god ku dhex-yaalla gurigiisa.
Dad deris la ah ayaa Khamiistii u sheegay wakaaladda wararka AP, in Denis Kazungu oo 34 jir ah, uu ahaa nin af-gaaban.
Afhayeen u hadlay Xafiiska Dambi-baadhista Rwanda (RIB), Thierry Murangira ayaa u weriyayaasha u sheegay in tuhunsanaha uu qirtay dilalka.
Booliska ayaa tuhunsan in eedeysanaha uu dadka kasoo kaxeyn jiray baararka, oo uu keeni jiray gurigiisa caasimadda Kigali.
Booliska waxay sheegeen in baadhitaan uu ku socdo sababta uu ninka u dilay dadka, ayna baahin doonaan tirada guud ee meydadka.
Ilo-wareed ka tirsan Xafiiska Dambi-baadhista Rwanda, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa AFP u sheegay in tirada dhibbanayaasha ay illaa hadda yihiin 14.
Kuzungu ayaan laga heli karin jawaab, mana cadda haddii uu leeyahay qareen.
Wargeyska dowladda ee The New Times ayaa kasoo xigtay Augustin Shyirambere, oo guriga ka kireeyey Kuzungu, inuusan muddo bilo ah iska bixin kirada, uuna diiday in guriga la galo. Mulkiilaha ayaa kadib u tegay mas’uuliyiinta dowladda si ay u caawiyaan.
Qof ay deris yihiin tuhunsanaha ayaa sheegay inuu lahaa xaas iyo laba guri, oo mid ay degan yihiin qoyskiisa, kan kalena uu madhnaa.
“Wuxuu lahaa dukaan lagu iibiyo qalabka gawaadhida..” ayuu yidhi qof deris la ah.
Emmanuel Nizeyimana, oo ah xoghayaha xaafadda Busanza ee Kazungu uu ku noolaa, ayaa sheegay in tuhunsanaha horey loogu xidhay eedo ku saabsan dhac iyo kufsi balse la sii daayey. Ma cadda sababta.
Waxaa sii socday baadhiaanka, waxaana mar kale la xidhay Salaasadii, kadibna la baadhay gurigiisa oo laga soo helay god uu ka dhex qoday jikada, halkaasi oo dadka uu dilo uu ku ridi jiray.
“Eedeysanaha ayaa qirtay in dilalka uu ka bartay daawashada sheekooyinka dilayaasha caanka ah ee dunida. Meydadka qaarkood ayuu ku baabi’in jiray aashito,” ayuu yidhi il-wareed ka tirsan RIB oo la hadlay AFP.
“Wuxuu daraasayn jiray dhibbanayaashiisa ka hor inta aanu daba-gelin, wuxuuna dooran jiray kuwa ay u badan tahay inaysan lahayn qoys ama saaxiibo dhow oo soo raadiya.”
“Wuxuu ka shaqeyn jiray inuu dhibbanayashiisa, oo u badnaa haweenka jidhkooda ka ganacsada, uu soo jiito oo uu keeno gurigiisa, halkaasi oo uu kaga dhici jiray taleefonada, kadibna uu dili jiray, kadibna ku aaso godka,” ayuu afhayeenka RIB Thierry Murangira u sheegay AFP.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









