Laascaanood (Arabsiyo) – Kala shaki weyn, ayaa soo kala dhex galay Ciidamada Puntland ka jooga Laascaanood iyo Maleeshiyaadka kale ee halkaasi ku sugan.
Kala shakigaas oo salka ku haya dhanka awoodda Maamulka Ciidanka, ayaa sababay in xalay la wareero Cabdirashiid Qodhob oo ah Madaxa Ciidamada Puntland ee Laascaanood ku sugan iyo Maleeshiyaadka uu xukumo.
Maleeshiyaadka Huwanta oo u badan kuwa deegaanka, ayaa Xalay weerar ku qaaday Cabdirashiid Qodhob, taasi oo keentay inuu dirqi kaga bedbaado dil.
Weerarkan ayaa horseeday in xaaladda Magaalada Laascaanood ay gaadho heer hubka la isku diyaarsado, oo midba midka kale iska eego.
Khilaafkan ayaan ahayn ka keliya ee ka dhex taagan Maleeshiyaadka Laascaanood, balse waxa jira khilaaf kale oo u dhexeeya Maleeshiyaadka deegaanka, kaasi oo salka ku haya sida loola dhaqmayo Maxaabiista Ciidamada Qaranka ee gacantooda ku jira.









