Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Mabnuucay In Halkaa Laga Taageero Kooxaha Huwanta Ah

0

Jigjiga (Arabsiyo) – Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa digniin u dirtay Dadka halkaas ku nool ee taageerada u muujiya kooxaha Huwanta ah ee colaadda ka wada Magaalada Laascaanood ee Somaliland.

Toddobaadkii u dambeeyay dad ka hadlay deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa taageero u muujiyey kooxaha Huwanta ah, halka qaarkoodna ay Calanka kooxda SSC la dhex mareen Jigjiga, arrintaas oo cadho ku dhalisay dad kale oo halkaa deggan.

Wasiirka Warfaafinta DDSI Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Jigjiga, ayaa sheegay inaan la ogolayn in gudaha Ismaamulkaas laga ogolayn qabashada shirar lagu taageerayo kooxaha Laascaanood dhibka ka wada iyo dhan kale toona.

Laakiin, Dadka Shacabka ah iyo Maamulka Soomaalida Itoobiya kaalintoodu tahay inay ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda Laascaanood.

Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka DDSI, ayaa waxa hore shir ugu qabtay Madax-dhaqameedka colaadda ka huriyey Laascaanood.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office