USA (Arabsiyo) – Siyaasiga mucaaradka Itoobiya Bekele Gerba ayaa BBC-da u sheegay in uu ka codsaday dowladda Mareykanka in la siiyo magangalyo siyaasadeed isaga oo u sababeeyay ”xaalado ka sii daraya” oo dalkiisa ka jira.
Waxa uu sheegay in uu sidoo kale iska casilay xilkii guddoomiye ku xigeenka xisbiga (Oromo Federalist Congress) oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Itoobiya ee gobolka Oromada, ee uu ka soo jeedo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
“Waxaan u sheegay [Mareykanka] in dalka [Itoobiya] uusan naftayda nabad u ahayn,” ayuu yidhi, isagoo la hadlayay BBC-da.
“Ku dhawaad dhammaan xafiisyada xisbiyada siyaasadda waa la xidhay,” ayuu raaciyay.
Ninkan ooh ore loo xiray ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay dil sharci darro ah oo ay u geysteen maxaabiista, dil wadareed iyo xadhig.
Maamulka ayaa horay u beeniyay eedeymahan.
Siyaasiyiinta mucaaradka Itoobiya ayaa in muddo ah ka cabanayey xaaladda siyaasadeed ee sii xumaaneysa, taasoo ay dowladdu beenisay.
Mr Bekele ayaa 18 bilood ku qaatay xabsiga ka dib markii lagu soo oogay danbiyo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo hurin rabshado ka dib dilkii fannaanka Hachalu Hundessa.
Siyaasiga, oo xisbigiisu qaadacay doorashadii guud ee Itoobiya, ayaa ku sugnaa Mareykanka tan iyo bishii June ee sanadkii hore.
Bishii hore, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaaku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo toddobo hoggaamiye oo sare oo ka tirsan jabhadda mucaaradka ee Oromo Liberation Front kuwaas oo ay sheegtay in ay si sharci darro ah u xireen mas’uuliyiintu muddo ku dhow saddex sano.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









