Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu soo saaray ku aqbalay soo jeedintii Guddiga Beesha bariga Burco ee ahayd in la is raaciyo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda.
Madaxweynaha ayaa Wareegtada uu soo saaray ku socodsiiyey Labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaanu ka codsaday inay soo jeedintaa sharciga waafajiyaan.
Wareegtada Madaxweynaha oo la ogaysiiyey Komiishanka doorashooyinka, ayaa u qornayd sidan ”
WAREEGTO MADAXWEYNE: 30 /08/2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka .
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Mudaneyaal,
Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.
Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.”









