Madax-dhaqameed Baaq Ka Soo Saaray Dagaal-beeleed Ka Dhacay Ceel Af-weyn

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaad ka soo cusboonaatay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa Beelaha Walaalaha ah ee Ceel Af-weyn ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo ay nabad ku wada-hadlaan.

Dagaalka oo dhacay Shalay, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay dhinacyadii dagaalamay.

Madax-dhaqameedka baaqa soo saaray, ayaa sheegay inay halkaa tagayaan, si ay doorkooda uga qaataan soo celinta nabadda.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office