Wiil Soomaali Ah Oo Toogtay Gabadh Uu La Haasaawi Jiray 

0

USA (Arabsiyo) – Faah-faahin dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo uu wiil Soomaali ah habeenimadii Khamiista ka geystay dalka Mareykanka,

Dhacdadan oo si gaar ah uga dhacday magaalada Colombus ee gobolka Ohio ayaa timid, kadib markii wiil Soomaali ah uu dilay gabadh Soomaaliyad ah oo uu xidhiidh ka dhexeyay, kadibna uu isaguna is dilay, sida ay shaaciyeen saraakiisha booliska ee magaaladaasi.

Ninka dilka geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Dirir, wuxuuna ahaa 23 sano jir, halka gabadha lagu magacaabi jiray Aasiya Muuse oo iyana aheyd 22 sano jir.

Booliska oo soo saaray warbixin la xidhiidha falkaas ayaa sheegay in Cali Dirir uu xabad ku dhuftay Aasiya Muuse, kadibna uu isagu is toogtay, waxaana markii hore soo gaadhay dhaawacyo, balse gabadha ayaa geeriyootay intii loo waday cisbitaalka, kadibna wiilka ayaa isna saacado ka dambeeyay, isaga oo ku dhintay cisbitaalkii la geeyay.

Sidoo kale, booliska oo Meydadka hayey muddo dheer ayaa haatan u fasaxay ehellada si loo aaso gabadha iyo wiilka.

Wararka ayaa intaasi ku daray in Cali Dirir iyo Aasiyo Muuse uu xidhiidh ka dhexeeyay, balse uu ka shakiyay, kadibna uu sidaas ku khaarijiyay.

Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in labadooda ay ku ballansanaayeen guur lix bilood kadib, balse uu soo kala dhex-galay khilaafk ugu dambeyb sabay geeridooda.

Si kastaba, falkan ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Colombus ee gobolka Ohio, waxaana sidoo kale ka dhashay hadal heyn xoogan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office