KULMIYE Oo Shaaciyey Musharrax Madaxweyne

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa shaaciyey Musharraxiisa Madaxweyne iyo Musharraxii kale.

Xisbigu wuxuu iclaamiyey in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Musharrax u yahay doorashada soo socota ee Madaxtooyada, taasi oo hore komiishanku ugu muddeeyay dabayaaqada bisha November ee sannadka dambe.

Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu xaq u leeyahay inuu laba xilli tartamo, sidaa darteed uu Madaxweynuhu xilligiisii 2-aad sharraxan yahay.

Sidaana waxa shaaciyey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Burco oo uu ka dhacayo shirka 8-aad ee Golaha dhexe.

Guddoomiye ku-xigeenka, ayaa sheegay in Madaxweynuhu soo xulanayo Qofka Madaxweyne ku-xigeenka u noqonaya doorashada soo socota, maaddaama oo Saylici dhamaystay labadiisii wareeg ee sharcigu u ogolaa inuu ku-xigeen noqdo.

Axmed Cabdi-dheere, waxa uu sheegay in Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) uu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa qofka u sharraxan Madaxweyne ku-xigeenka, illaa haddana 3 xubnood buuxiyeen shuruudaha laga rabo Siyaasiyiinta u tartamaya xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office