Safaarado Soomaaliya Leedahay Oo Lagu Helay Musuqmaasuq Dhan $ 3 Million Dollar

0

Muqdisho (Arabsiyo) – Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa faah-faahin ka bixiyay baaris uu xafiiskiisa ku sameeyay qaar kamid ah safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda.

Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in baadhistaan lagu sameeyay saddex safaaraddood oo ku kala yaalla Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, wuxuuna sheegay in lacagaha ay qabteen aan loo maamulin si wanaagsan, isla-markaana aan lagu darin warbixinta maaliyadda ee dowladda.

“Dakhli dhan 1.9 mliyan oo ay qabteen hay’adaha kala ah safaaradda JFS ee Kenya, safaaradda JFS ee Turkiga iyo safaaradda JFS ee Jarmalka ayaan loo maamulin si wanaagsan , looguna darin warbixinta maaliyadeed ee dowladda” ayuu yidhi Guutaale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan lagu muujiyay xisaab xirkii la sameeyay sanadkii hore ee 2022-kii.

“Marka la eego khaladaadkaas hay’adaha ay baarista quseysay waxaa fikrad cilad leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadeed ama xisaab xirka sanadka 2022 ee loo soo gudbiyay xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guutaale.

Hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyay khaladaadka ay sameeyeen saddexda safaaradood, isaga oo xusay in baarista ay ku ogaadeen in aysan dhaqan-gelin xeerarka maaliyadeed ee loogu talagalay uruurinta dakhliga soo gala.

“Waxyaabaha khaladka ah ee kuu soo baxay baarista waxaa kamid ah xeerka iyo tariifada uruurinta dakhliga safaaradaha oo aysan hirgelin, waxaan baarista ku ogaanay in aysan jirin xeerar iyo tariifo gaar ah oo safaaraduhu ay dhaqan-geliyeen oo lagu aruuriyo dakhliga safaaradaha saddexda ah ee la baaray” ayuu mar kale yidhi hantidhowraha guud ee qaranka.

Xafiiska hanti-dhowraha ayaa guud ahaan cadadka lacageed ee ku maqan safaaradaha Somalia ee dalalka Kenya, Turki iyo Jarmalka ku sheegay illaa 3 miliyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay in aan lagu shubin khasnadda dhexe ee dowlada, sida uu hadalka u dhigay.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office