AFRIKA: Wararkii U Dambeeyay Ee Xaalad Cakiran Oo Ka Taagan Niger

0

Niger (Arabsiyo) – Ra’iisul-wasaarihii Niger ee xilka laga tuuray, ayaa ku adkeystay rejada mugdiga ah ee laga qabo in afgambigii militariga ee toddobaadkii hore lagu dhameeyo wada-hadal iyo diblumaasiyad.

Raysal-wasaaraha oo Afgambigu dhacay isagoo jooga Rome, wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters xilli la gaadhay kama dambaysta wakhtigii ay awoodaha gobolku u qabteen in dib loo soo celiyo dowladdii la doortay.

La wareegitaanka militariga ee Niger, oo ah tii 7-aad ee Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika ka dhacda muddo saddex sano ah, ayaa ruxday gobolka galbeedka Sahel, oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan adduunka, kaasoo muhiimad istiraatiiji ah u leh quwadaha caalamka.

Madaxda Difaaca ee Ururka ECOWAS ayaa dejiyay qorshe ay ku qaadi doonaan tallaabo militari, haddii ay madaxda afgambigu sameyn waayaan dib u soo celinta Madaxweynihii la doortay ee Mohamed Bazoum, oo hadda ay ciidamadu ku hayaan hoyga uu ka degan yahay Niamey Maanta oo Axad ah.

Ballanqaadkii Dawladaha galbeedka Afrika, waxa uu kor u qaaday iska horimaadyo hor leh oo ka dhacay gobolka oo awalba la dagaallamayay fallaago Islaami ah, kaasi oo lagu dilay kumanaan qof, malaayiinna ku qasbay inay qaxaan.

Weli, iyada oo wakhtiga kama dambaysta ah la soo gaadhay, “Madaxweyne Bazoum waxa uu rumaysnaa in daqiiqaddii u dambaysay ay suurtagal tahay faragelin..” ayuu ku sheegay waraysi, waxaanu intaa sii raaciyey “Weli waxaan ku rejo weynnahay..” ayuu yidhi Mahamadou, oo ku sugnaa Rome markii uu afgambiga dhacay.

“Waxaan filaynaa in Madaxweyne Bazoum la sii daayo, oo dib loo soo celiyo, iyo dhammaan hay’adaha la sheegay in la kala diray in dib loo soo celiyo gebi ahaantood.”

Faransiiska ayaa Sabtidii sheegay inay taageeri doonaan dedaallada lagu doonayo in afgambiga lagu fashiliyo, iyadoo aan la cayimin in taageeradoda ay keenayso kaalmo millatari oo ku aaddan faragelinta ECOWAS.

Balse, 59-jirka afgambiga sameeyay General Abdourahamane Tiani, oo qaar ka mid ah tababarkiisa milatari ku soo qaatay dalka Faransiiska, ayaa sheegay in ciidamada militarigu aanay ka laaban doonin go’aankooda.

Dhanka kale, xulashooyinka ECOWAS, oo u dhexeeya duullaan dhulka ah iyo in laga shaqeeyo ka hor-tagga afgambiga iyo halista amni-darro ee ku lamaan.

Mahamadou ayaa sheegay in uu xidhiidh la sameeyay Bazoum, balse waxa uu su’aal ka keenay sida loola dhaqmayo madaxweynihii xilka laga tuuray oo laba todobaad ka hor si aan la carqaladeyn u degenaa qasri.

“Sii fiican ayuu u shaqaynayaa isaga oo maxbuus siyaasadeed ah, oo cidlo jooga, biyo la’aan ah, koronto la’aan ah, wuu samayn karaa,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in faragelinta ECOWAS ay noqon karto habka keliya ee lagu beddeli karo. “Amniga madaxweynaha waa arrin ku jirta gacanta ECOWAS,” ayuu yidhi.

Marka la eego in Niger qani ku tahay macdanta Uranium-ka iyo saliidda iyo doorka muhiimka ah ee dagaalka lagula jiro xagjiriinta, Niger waxay muhiim u tahay Mareykanka, Shiinaha, Yurub iyo Ruushka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office