Hargeysa (Arabsiyo) – Degmada Go’da ee Gobolka Saaxil, ayaa waxa gaadhay Ciidamada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaano RRU-da.
Ciidamada oo wata gaadiid tiro badan, ayaa muuqaalo laga soo duubay muujinayaan iyaga oo gudaha u galay degmada Go’da weyn oo Shalay dablay hubaysan ka afduubeen Ergo Nabadeed oo ay Saraakiil Ciidan ku jiraan, wallow markii dambe la soo daayey.
Illaa hadda lama oga ujeeddada ay Ciidamada RRU-du halkaa u tageen, balse socdaalkooda ayaa ku soo beegmaya xilli dablay diiddan doorashada Ururradu ay dhaqdhaqaaq ka wadaan inta u dhaxaysa Go’da iyo Cadaadley.
Dablayda hubaysan oo dhawaan hadlay, ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan in dalka laga qabto doorashada Ururrada siyaasadda, balse ay tahay in doorashada Madaxtooyada la horraysiiyo, fikraddaas oo ah ta ay qabaan Xisbiyada Mucaaradka ah.
Arrintan oo aan amniga u fiicnayn, ayaa waxa ka hadlay Mid ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, waxaanu soo jeediyey In sharciga la ilaaliyo.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









