Laascaanood (Arabsiyo) – Hay’adda dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF, ayaa sheegtay inay ka baxayso Magaalada Laascaanood oo ay hawlo caafimaad ka wadday Cisbitaallada ku yaalla
Tallaabadan ayaa Hay’addu ku sababaysay xaaladda amni ee Magaaladaasi oo sii xumaanaya, maaddaama oo ay Maleeshiyaadka ku sugan ay weerarro la beegsadaan Ciidamada Qaranka Somaliland, kuwaasi oo iyaguna iska difaaca.
Hay’adda ayaa sheegtay in aanay hadda ka dib awoodin inay ka sii shaqayso halkaasi, taasi oo ka dhigan in adeegyadii Caafimaad ee ay bixin jirtay meesha ka bixi doonaan.
Cisbitaalka ayaa guud ee Laascaanood oo xarun u ahaa Hay’adda MSF, ayaa dhibaato ka soo gaadhay dagaalka Muddada dheer ka socda Laascaanood.
“Waan ka xunahay in nalagu qasbay in aan joojino taageeradayada caafimaad, annaga oo og in tani ay saameyn ku yeelan doonto helitaanka dadka ee daryeelka caafimaad ee muhiimka ah – kaas oo ay horay u wiiqeen iskahorimaadyada socda..” ayuu yidhi Dana Krause, wakiilka MSF ee Somaliland.









