Laascaanood: Ciidamada Qaranka Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Maleeshiyaad Weeraray

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa dhirbaaxo ku dhuftay isla-markaana baacsaday Maleeshiyaadka Huwanta oo weerar ku qaaday Buurta dhinaca Waqooyiga ka xigta Magaalada Laas-caanood oo Ciidamada Somaliland ay fadhiisimo ku leeyihiin, ahna goob istaraaji ah.

Warka Arabsiyo News halkaa ka heshay, ayaa sheegay in Ciidamada Qaranka oo heegan ku jiraa ay ka hor tageen Maleeshiyaadka weeraray, isla-markaana dib ugu celiyeen gudaha Laascaanood oo ay markii hore ka soo duuleen.

Waxa la sheegay in Maleeshiyaadku jabeen markii dagaalku socday wax aan ka badbayn 10 Daqiiqo oo keliya, taasi oo muujinaysa awood-darrada Maleeshiyaadka Huwanta.

Ciidamada Qaranka ayaa Hal gaadhi ka gubay Maleeshiyaadka, kaasi oo ay halkaa ka jiiteen kooxaha Weerarka ahaa.

Dagaalkan oo Muddo kooban socday, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Maleeshiyaadku la galaan Ciidamada Qaranka, ka dib muddo bil ka badan, marka laga yimaaddo hubka ay ku tuuraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka Laascaanood, kuwaasi oo Ciidamada Qarankuna ka jawaabaan.

Dhanka kale, Taliska Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa Maanta sheegay inay hadda ka dib aanay u tudhaynin Maleeshiyaadka Huwanta.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office