Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Oo Ku Hanjabay Dibed-baxyo Cusub 

0

Nairobi (Arabsiyo) – Hoggaamiyaha mucaardka Kenya Raila Odinga, ayaa sheegay in uu dadka Kenyaanka ah u horseedi doono in ay ka soo horjeestaan ​​in la meel mariyo hindise sharciyeedka Maaliyadda 2023, kaas oo uu ku tilmaamay ciqaab iyo dib u dhac ku yimid dadaallada lagu cidhibtirayo faqriga dalka ka jira.

Mr. Odinga, oo booqday Suuqa Toi ee Kibra oo la burburiyay Axaddii la soo dhaafay, ayaa dhaliilay arrimaha ugu muhiimsan ee Hindise sharciyeedka oo ay ka mid yihiin canshuurta boqolkiiba 16-ka ah ee batroolka, canshuurta guryaha, iyo magdhowga caymiska.

Hoggaamiyaha Azimio ayaa ka codsaday dowladda in ay billowdo wada hadal heer qaran ah oo lagaga hadlayo cashuurta adag iyadoo ujeedadu tahay in kenyaanka lagu qanciyo in ay taageeraan ajendaha halkii ay ku qasbi lahaayeen shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha in ay bixiyaan canshuurta boqolkiiba 1.5 ah.

“Sharciga Maaliyadda waxa uu muujinayaa ciqaabtii ugu dambeysay, Haddii uu halkan yimaaddo sharciga maaliyadda, dadka Kenyaanka ah ayaa noqon doona kuwa kaliya ee bixiya canshuurta, ma jirto cid dowladda ka mamnuucday in ay canshuur qaado, xarumo canshuur qaadis ayaa horay u jirtay, dowladdii Uhuru waxay dadka ka qaadi jirtay canshuur, wayna shaqaynaysay,” ayuu yidhi

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office