Loolan Ku Saabsan Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Socda

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ka dhex socda Loolan adag, kaasi oo salka ku haya Cidda loo dooranayo Guddoomiyaha cusub ee Golahaasi, maaddaama oo uu jagadaasi banneeyay Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Loolankan ayaa u dhexeeya Xildhibaanada Muxaafidka ah iyo Xildhibaanno kale oo isku garabsanaya in Guddoomiye loo doorto Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Sool, waxayna xilkaa u wadaan Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo kursigaa hore ugula tartamay Cabdirisaaq Khaliif iyo Garab kale oo wada in Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan ka soo jeeda Gobol aan Sool ahayn.

Xogaha Arabsiyo News Helayso, ayaa sheegaya in Xildhibaannada doonaya in Guddoomiyaha Golahaas loo doorto Qof aan reer Sool ahayn uu xagga dambe ay ka maamulayaan Guddoomiyihii hore ee Fallaagoobay, iyagoo Khaliif ku garabsiinaya qorshihiisa ah inuu reer Sool si toos ah uga horkeeno Dawladda Somaliland iyo Shacabka kale ee dalka isla-markaana uu Rayul-caamka tuso Sawir ah in sababta uu isku casilay tahay inaan dadkiisa laga Rabin Somaliland, sidaa darteedna ay xaq u leeyihiin inay gaar isku maamulaan.

Ka sakow, dedaalka uu fulinta Qorshahaa ugu jiro Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa jira kooxo kale oo ku sugan Nairobi, kuwaasi oo la soo weriyey inay soo direen Lacago ay doonayaan in lagu kala qaybiyo Xildhibaannada Somaliland, si uu u hirgalo qorshaha ah inaan Mudane reer Sool ahi noqon Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, laakiin arrintaasi ayaa loo badinayaa in aanay suurto-galayn, maaddaama oo hadalladii uu Cabdirisaaq Xalay ka jeediyey Laascaanood muujiyeen inuu qayb ka ahaa dhibaatada ka dhacday Laascaanood.

Waxa xusid mudan, inuu jiro garab tiro yar oo u ololaynaya in Guddoomiyaha Golahaasi loo doorto Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo ka soo jeeda Beelaha La Hayb-sooco ee Somaliland.

Xildhibaannada u ololaynaya Barkhad ka sakow, waxa baaqyo arrintaas la xidhiidha Maanta Warbaahinta mariyey qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Gabooye.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office