Is-rasaasayn Ka Dhacday Magaalada Garoowe

0

Garoowe (Arabsiyo) – Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacantay kadib iskahorimaad dhexmary ciidanka Ammaanka iyo rag hubeeysan magaalada Garowe

Iska hor-imaadka ayaa waxaa la sheegayaa inuu dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.

Ciidanka boolsika ayaa kudaba joogay gaari aan Taargo lahayn si ay u qabtaan, waxaana markaasi bilwoday iska hor-imaadka dhexmaray raggan lala xiriirinayo maandooriyaha iyo ciidanka Booliska.

Amniga Magaalada Garoowe, ayaan fiicnayn Maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii khilaaf ku saabsan doorashada deegaanku yimid.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office