Laascaanood (Arabsiyo) – Guddiga 33-ka ah ee Xagga dambe ka maamulaya Dagaalka Laascaanood ka socda, ayaa soo bandhigay Xaaladdooda dhabta ah ee ay xilligan ku sugan yihiin.
Guddiga 33-ka ah oo badankoodu ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa waxa soo waajahday xaalad adag oo dhaqaale la’aaned, taasi oo sababtay Inay dagaalka sii wadi kari waayaan.
Guddiga iyo Garaaddada Laascaanood oo aan si cad u sheegi karin culayska dhaqaale la’aaneed ee soo waajahay, maaddaama oo Qurbe-joogtii Lacagta soo diri jiray joojiyèen, markii ay natiijo ka gaadhi waayeen dagaalka ay ku qaadeen Ciidamada Somaliland, ayaa xilligan bilaabay Inay si toos Warbaahinta u soo hor-fadhiistay, dadweynahana u waydiistaan dhaqaale ay dagaalka ku sii wadaan, Inkasta oo ay ku af-gobaadsanayaan Inay taageero u doonayaan dadkii ay ku barakacay dagaalka Laascaanood.
Dadka ay sheegayaan inay xilligan gargaar gaadhsiinayaana ayaa ah dadkii ay ka hore uga hor joogsadeen gargaarkii ay gaadhsiin lahaayeen shirkadaha Ganacsiga Somaliland iyo Dawladda Somaliland.
Guddiga 33-ka ah iyo Garaaddada Laascaanood, ayaa hore si furan u sheegay in lagu hagaajiyo dhaqaaale nus Milyan gaadhaya oo Shirkadaha Somaliland doonayeen inay ku caawiyaan dadka ku barakacay dagaalka Laascaanood, laakiin hadalkooda ayaa xilligaa keenay shaki.









