Muqdisho (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa oo ugu horeyn ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsiga ku aadan ku biiridda EAC Daladda Bulshada bariga Afrika.
Wuxuu tilmaamay in arintani ay tahay talaabo wanaagsan oo ka turjimeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliya iyo midho-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soo celinta doorkii ay dowladda Soomaaliya ay ku laheyd gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo Guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqoshada Soomaaliya ee dalladan oo fursad u siiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay la midoobaan dalalka la mid ka ah ee ku bahoobay dalladan (EAC).
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay ku biirista dowladda Soomaaliya ee Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda dowladaha xubnaha ka ah Ururka in kulankoodii 21-aad oo ka dhacay Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura in si rasmi ah ay u ansixiyeen codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika.
“Sida aad la wada socotaan tan iyo markii sannad ka hor la doortay Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa muhiimad uu siiyay xoojinta xiriirka gobolka iyo kan caalamiga ah. Bishii July Madaxweynaha waxaa uu si xubin sharafeed ahaan uga qeybgaley Shir Madaxeedkii EAC ee lagu qabtey magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Waxaana wax lagu faano ah in wax sannad ka yar ay Soomaaliya kasbatey kalsoonida waddamada xubnaha ka ah ururka oo isla qaatey in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya in ku biirista Ururkan ee Soomaaliya ay keeni doonto faa’idooyin badan oo ay ka mid tahay diblomaasiyadda, is dhexgalka bulshada, isku socodka, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashi dhan walba leh.
Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika oo ay ku bahoodeen ilaa 8 wadan ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed fursad u siin doona inay ka howlgalaan dhamaan 8-da dal ee ururku ka kooban yahay.