Raysal-wasaaraha UK Oo Somaliland Ku Daray Liiska Dalalka Waaweyn

0

Japan (Arabsiyo) – Ra’iisal-wasaaraha UK, Rishi Sunak, ayaa shirkii G7 ee dhawaan ka dhacay dalka Japan ka sheegay in waddankiisa uu dhaqaalo badan ku bixin doono mshaariicda horumarinta, isagoo Somaliland ku daray Dalalka waaweyn ee Mashaariicda Horumarineed laga fulinayo.

Dalalka G7 ayaa sanadkii 2021 shaaciyay qorshe lagu maalgalinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah dalalka saboolka ah iyo kuwa heer dhexaadka ah, sida buundooyinka, wadooyinka iyo tamarta aan deegaanka wax u dhimin.

“Waan ognahay awoodda isbedal ee uu keeni karo maalgashiga ay sameeyaan shirkadaha gaarka ah. Waxa ay naga caawiyeen in aan dekado ka dhisno Senegal iyo Somaliland, mashaariic quwadda biyaha laga dhaliyo oo aan ka hirgelinay Rwanda iyo tamarta dabeysha oo aan ka dhisnay Hindiya,” ayuu Sunak ka sheegay shirkii G7.

Waxa uu intaa raaciyay in dalkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta in laga guul-gaadho maalgashiga lagu sameeyo kaabayaasha dalalka, si bulshooyinka waddamadaas looga saaro faqriga.

Xafiiska arrimaha dibedda ee UK ayaa marar badan sheegay in aanu aqoonsaneyn Somaliland, laakiin xidhiidh wanaagsan baa ka dhexeeya Somaliland iyo UK.

Shirkadda maalgashiga ee British International Investment (BII) oo wixii ka horreeyay April 2022 magaceedu ahaa Commonwealth Development Corporation (CDC) ayaa saami 19% ku leh mashruuca lagu casriyeynayo dekadda Berbera, sida ay sheegtay Idaacadda BBC-da.

Waa shirkad maalgashi oo hoos tagta wasaaradda arrimaha dibedda, barwaaqa-sooranka iyo horumarinta UK. Guud ahaan qaaradda Afrika waxa ay ku leedahay in ka badan 600 oo ganacsi oo qiimahay ku fadhiyaan lagu qiyaasay 4.2 bilyan dollar.

Shirkadda BII oo shuraako la ah DP World ayaa sanadkii 2021 shaaciyay in lacag dhan 1.7 bilyan ku kharash gareyn doonaan saddex dekadood oo ay ka mid tahay Berbera. Labada kale ayaa ku yaalla Senegal iyo Masar.

Heshiiska casriyeynta dekadda Berbera oo ku kacaya 442 milyan oo dollar ayaa DP World siinaya in dekaddaas ay maamusho muddo 30 sano.

Waxaa hadda socda wejigii labaad ee ballaarinta dekadda, kaasoo maalgashi cusub iyo shaqo abuur u sameyn doona shacabka ku nool Somaliland.

DP World ayaa sheegtay in muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay dekadda Berbera ay tahay halka ay ku taallo iyo sida ay uga faa’iideysan karto Itoobiya oo aan bad lahayn.

Dekadda Berbera ayaa Addis Ababa u jirta masaafo dhan 900 oo kilo mitir, taasoo la siman dekadda Jabuuti, waxaana ay noqon kartaa marin ka caawiya dalkaas ugu dadka badan Bariga Afrika helitaanka badeecadaha uu u baahan yahay.

Dekadda Berbera ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland, waxaana lagu qiyaasay in halkaa ay xukuumadda Somaliland ay ka hesho 63% dakhligeeda.

Dhinaca kale, Safiirka cusub ee UK jooga Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo Booqasho ku yimid Hargeysa, ayay Madaxweynaha Somaliland ka wada-hadleen arrimo khuseeya horumarinta Dekedda Berbera, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.

War-saxaafadeedka oo dheeraa ayaa lagu yidhi “Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriiska iyo Jamhuuriyadda Somaliland sannadkan gudihiisa ay u daah-furi lahaayeen mashaariicda labada dawladood iska kaashadeen ee Berbera Corridor iyo horumarinta dekedda Berbera…” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkaas.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office