Mozambique (Arabsiyo) – Golaha wasiirada Dalka Mozambique ee Afrika, ayaa ansixiyay hindise-sharciyeed ah in Mushaharka laga dhimo Wasiirada, Wasiir ku-xigeennada, Xoghayeyaasha dowlad goboleedyada iyo Mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo dowladda ay la daalaa dhacayso hindise sharciyeedka mushahar kordhinta.
Wasiirka Maaliyadda iyo dhaqaalaha Mozambique Mr. Max Tonela ayaa sheegay in soo jeedintu ay sidoo kale ka mid tahay in wax laga qabto walaaca ku saabsan mushaharaadka xubnaha Goleyaasha Gobollada, taas oo uu sheegay in ay ka hor imanayso mabaadi’da mushaharka saxda ah.
Wasiirku, aanu tilmaamin cadadka laga dhimayo Mushaharka Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









