Hargeysa (Arabsiyo) – Deegaannada Maamul-goboleedka Puntland, ayaa waxa Saaka looga dareeray Doorashada Goleyaasha Deegaanka.
Doorashadan oo ah Mid Qof iyo Cod ah, noqonaysana tii ugu horraysay ee ka dhacda Puntland, ayaa looga dareeray 30 Degmo, kuwaasi oo aanay ku jirin Magaalada Garoowe iyo Laba Degmo oo kale.
Doorashadan Qofka iyo Codka ah, ayaa 30 Degmo ee looga dareeray waxa ka mid ah degmooyin ku yaalla Bariga Gobolka Sanaag, kuwaasi oo qaarkood uu Toddobaadkii hore booqday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, kana soo ololeeyay.
Degmooyinka doorashada Puntland looga dareeray, ayaa Juquraafi ahaan ka mid ah dhulka Somaliland, balse waxa sheegata Puntland isla-markaana Dastuurkeeda ku qortay.
Arrintan oo Faro-gelin ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, ayaan illaa hadda Xukuumadda talada Somaliland haysaa ka Hadal, hase-yeeshee waxa arrintan ka hadlay Xildhibaan Nuur Guruuje oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland.
Xildhibaanka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku canaantay inay ka gaabiyeen inay ka hor-tagaan In Maamulka Puntland uu eoorasho ka qabto gudaha Somaliland.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office