Oog (Arabsiyo) – Hal Qof oo Dumar ah, ayaa ku dhintay Roob Dabaylo watay oo xalay ka da’ay Degmada Oog ee Gobolka Saraar.
Roobka oo Muddo kooban da’ayay ayaa sababay Geerida Gabadha da’deedu ahayd 16 jir, ka dib markii uu ku dumay Gidaar ay dhibaca roobka ka gabbaadsanaysay, sida ay sheegeen Waxgaradka deegaankaasi oo ka Tacsiyadeeyay Ehelkeeda.
Gabadha Geeriyootay, ayaa Magaceedu ahaa Aamin Maxamed Barre.









