Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya dib u bilaabmi karaan oo keliya marka ay Somaliland ka dhacdo doorashada Madaxtooyadu.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Xalay Madal Furan kaga jawaabayey su’aalo Dadweynuhu waydiinayeen, ayaa sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii dib loogu bilaabi lahaa Wada-hadallada, xilligana ay si hoose u socdaan, sidoo kalena ay ka shaqaynayaan sidii nabad looga dhalin lahaa Laascaanood.
Laakiin, Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkaa daba socda ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu Xasan Sheekh culays ku saarayo Wada-hadallada, laakiin aanay sharci ahayn, maaddaama oo Muddo-xileedka Madaxweyne Biixi yahay ku meel-gaadh.
Faysal oo arrimahan kaga hadlay Qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey ayaa yidhi “Muuse (Biixi) waxa uu culays ku saaraya Xasan Sheekh in ay kulan foolka fool ah wada yeeshaan , wuxuu ku dul ciyaaraya dab.
Haddii ay mar uun wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya dib u bilaamayaan waxay bilaamayaan oo kaliya marka la qabto doorasho madaxweyne oo xor iyo xalaal ah, waxaana hagi doona madaxweynaha si sharci ah loo doorto ee muddo xilleedkiisa sharciga ah ku guda jira..”









