Jabuuti (Arabsiyo) – Dowladda Jabuuti ayaa Axadda ku dhowaaqday howlgallo ka dhan ah tahriibka, iyada oo taleefishinka dowladda uu weriyey in booliska ay xidheen 3,000 oo qof oo la masaafurin doono.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika “ay buuxiyeen” qulqulka dad ka imanaya dalalka deriska ah, iyada oo 220,000 ay “si sharci darro ah” yimaaddeen sanadkii 2022 oo kaliya.
Jabuuti, oo dadkeeda lagu qiyaaso hal milyan, ayaa ku taalla marin tahriib oo ay maraan muhaajiriinta ka soo cararaya dagaallada iyo musiibooyinka isbeddelka cimilada ee raadinaya nolol wanaagsan.
Nuux ayaa khudbad uu ka jeediyey taleefishinka ku sheegay in Jabuuti ay go’aansatay inay qaado tallaabo lagu ilaalinayo “badqabka iyo nabad-galyada shacabkeeda” iyo inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta dalka imanaya.
“Ciidamada waxaa lagu qasbay Axaddii… inay fuliyaan howlgal deg-deg ah oo lagula dagaalamayo dambiyada iyo ka ganacsiga badeecadaha sharci darrada ee qeybo ka mid ah magaalada Jabuuti,” ayuu yidhi.
Taleefishinka dowladda ee RTD ayaa sheegay in qiyaastii 3,000 qof lagu xidhay howlgalka, loona qaadayo xarumo masaafurin, si baabuur xamuuli ah dib loogu celiyo dalkooda. Lama shaacin dalka ama dalalka ay ka sooo jeedaan dadkaasi.
“Howlgalgalada waa ay ka sii socon doonaan dhulka Jabuuti,” ayuu yidhi Nuux.
Waxa uu sheegay in muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ka shaqeeya qeybaha aan rasmiga ahayn, la diiwaan-gelin doono, lana siin doono “sharci dhaq-dhaqaaq,” balse shuruuddu ay tahay in shirkadaha ay u shaqeeyaan ay ku soo wargeliyaan dowladda.
Kuwa aan shaqada haysan, “waxaan ku casuumeynaa inay deg-deg si iskood ah dalkooda ugu laabtaan,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay inuu jiray wakhti 30 maalmood ahaa oo loo qabtay muhaajiriinta sharci-darrada inay u hoggaansamaan.
“Muhaajiriinta sharci-darrada ah, waa bam ku qarxi raba Jabuuti, aad ayey u badan yihiin,” waxaa sidaas tidhi Bilan, oo ah 45 jir shaqo la’aan ah oo u dhalatay Jabuuti oo la hadashay Wakaaladda Wararka ee AFP, inkasta oo ay diidday inay sheegto magaceeda oo buuxa.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









