Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanka Somaliland Oo Codsaday In Lagala Shaqeeyo La-dagaalanka QISHKA

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne), ayaa Dhammaan Hay’adaha Dawladda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ka codsaday in lagala shaqeeyo la dagaalanka Qishka, maaddaama oo la gaadhay xilliga la galayo Imtixaannaadka Qaranka.

Guddoomiye Daa’uud oo ka hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee xilliyada Imtixaannaadka uu xafiisku maro ay tahay in la dagalaanka Qishka, sidaa darteed lagala shaqeeyo sidii Mashkiladdaa loola suulin lahaa.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Qishka Imtixaanaadka waxa Atoore u ah Moobaylkaa (Smart Phone), Annaga Ciladdayadu waa taas, sidaa awgeed waxaanu ka codsanaynaa laamaha Dawladda, Waalidiinta Ardayda, Aqoonyahannada iyo Cid kasta oo kale sida Hay’adaha nala shaqeeya oo  nagala hawl-gala..”

Guddoomiye Gadh-weyne wuxuu u soo jeediyey Dadweynaha inay keenaan Fikir ama Aragti lagu suulin karo Qishka ama kala eegashada Ardayda iyo Qishka Ardayda “Somaliland waa laga Xishoon jiray Qishka oo ceeb buu ka ahaan jiray..” ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office