Hargeysa (Arabsiyo) – Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin reer Somaliland isla-markaana aanay jirin dookh kale oo ay haystaan.
Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo waraysi kooban siiyay Horyaal TV, ayaa ka jawaabay hadal uu siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in dadka reer Laascaanood aan lagu khasbi karin midnimada Somaliland.
“Haddii Adigu markii aad wasiirka ahayd aad ku iibisay baddii Soomaaliya dookh aad leedahay, shacbiga Somaliland, doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh, waxay qaateen rabitaan 1991” ayuu yidhi Buuni.
Waxa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur aanu hadalkiisa dowladda Soomaaliya ku matalayn, oo uu ahaa hadal uu si shakhsi ah u yidhi, wuxuuna ku tilmaamay shakhsi baal madow kaga jira taariikhda Soomaalida.
Buuni waxa uu dowladda Soomaaliya uga mahadceliya in aanay Shakuur xil wasiir siinin, isaga oo sheegay in uu badda Soomaaliya iibiyay mar uu wasiir noqday.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu dhawaan ku baahiyay bartiisa Facebook ku dhaliilay habka ay Somaliland u wajahday colaadda Laascaanood.









