Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxdhaqameed ka soo kicitimay magaalada Muqdisho oo u socda in ay dhexdhexaadiyaan Xukuumadda Somaliland iyo garaaddada Beesha Dhulbahante ayaa Maanta yimid magaalada Magaalada Hargaysa.
Salaadiinta oo hore safar ugu tagay magaalada Laascaanood isla markaana la kulmay madaxda dhaqanka Beesha Dhulbahante, ayaa la rajeynayaa in ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Somaliland iyo Madax-dhameedka Somaliland ee iyagu dhankooda ku howlan xal u helista colaadda.
“Madax-dhaqameedkii muddaba ku maqnaa magaalada Caynaba ee gobolka Sool ayaa halkan ku qaabilay is waraysigayaguna wuu noo danbeeyaa” Suldaan Xasan oo ka mid ah Madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xilsaaran xalinta colaadda Laascaanood ayaa sida warbaahinta u sheegay.
Salaadiinta oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa markii ugu horaysay la kulmi doona bahda dhaqanka Somaliland ee uu Madaxweyne Biixi u xilsaaray in ay la hadlaan garaaddada.
Dhamaan dhexdhexaadinihii horay looga sameeyay dagaalka Laascaanood ayaan wax la taaban karo ka badalin xaaladda, waxaana laga war sugayaa waxa ka soo baxa ergada cusub iyo haddii ay dhiigga joojin karaan.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









