Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay walaacsan tahay Xaaladda dagaal ee dalka Suudaan.
Xukuumaddu waxay sheegtay in loo baahan yahay in Muwaadiniinta Somaliland ee ku nool Suudaan looga baahan yahay inay sida ugu dhakhsaha badan iskaga diwaangeliyaan xafiiska Qurbe-joogta ee ku yaalla halkaas, si xaalkooda loola socdo, loona soo daad-gurayn karo.
Qoraal Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland soo saartay, ayaa u qornaa sidan ”
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda cakiran ee ka taagan dalka Suudaan, waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Suudaan inay sida ugu dhaqsaha badan isaga soo diwaan-geliyaan xafiiskayaga qurba-joogta.”









