Meydadka 31 Tahriibeyaal Ah Oo Laga Soo Saaray Xeebaha Badda Tunisia.

0

Tunisia (Arabsiyo) – Ciidamada ilaalada xeebaha Tunisia, ayaa sheegay Isniintii Maanta inay soo saareen Meydadka 31 qof oo tahriibayaal Afrikan ah, kuwaas oo qarraqmay xilli ay doonayeen inay uga gudbaan badda Mediterranean-ka, una sii gudbaan dhanka Talyaaniga.

Waxa ay intaa ku dareen in Meydadka laga soo saaray xeebaha Sfax, Kerkennah iyo Mahdia, waxaana ka mid ah meydadka labo dumar ah iyo labo Carruur ah.

Tirada dadka tahriibeyaasha ah ee ka imaanaya dalka Tunisia ee ku wajahan xeebaha dalka Talyaaniga ayaa aad u korortay dhawaanahan.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office