Khartoum (Arabsiyo) – Diblomaasiyiin British ah iyo qoysaskooda ayaa laga daadgureeyay dalka Suudaan iyagoo ku guda jira howl-gal aad u adag oo degdeg ah, sida uu xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak.
Mr. Sunak ayaa sheegay in ay sii wadayaan shaqada si loo xaqiijiyo badqabka muwaadiniinta British-ka ah ee ku hadhay Suudaan.
Dadka la soo daadgureeyay ayaa la geeyey garoon ka baxsan magaalada Khartoum si ay dalka uga duulaan, sida uu sheegay xoghayaha difaaca Ben Wallace.
Rabshado xooggan ayaa todobaadkii hore ka dhacay magaalada Khartoum ee u dhexeeya laba ciidan oo iska soo horjeeda.
Wasiirka arrimaha dibedda James Cleverly ayaa intaa isaguna sheegay in dowladdu ay habeen walba ka shaqaynayso sidii ay u dhexdhexaadin lahayd dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan, si loo soo afjaro dhiigga daadanaya.
Mr Wallace ayaa sidoo kale u mahad celiyay Faransiiska iyo Mareykanka gacantii ay ka geysteen howlgalka.
Talaabadan UK ayaa ka dambeysay ka dib markii la daadgureeyay Dublamaasiyiinta Mareykanka aroornimadii Axadda.
In ka yar 100 qof ayaa la daadgureeyay markii saddex helikobtar oo Chinook ah ay ku degeen meel u dhow safaaradda Mareykanka si ay dadkaasi u soo qaadaan.









