UCID Oo Ka Hadlay Baaq Ka Soo Baxay Beesha Caalamka Iyo Dagaalka Laascaanood

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa soo dhaweeyay baaq Beesha Caalamku ka soo saartay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland, taasi oo ah in Madaxweynuhu sameeyo khariirradda doorashada.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Caawa Qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa sidoo kale sheegay in Xaaladda Laascaanood ay uga sii darayaan Ciidamada Puntland ee ku sugan, sidaa darteedna loo baahan yahay inay ka baxaan.

Qoraalka Faysal Cali Waraabe ayaa u qornaa sidan “Xisbiga UCID wuxuu bogaadinayaa baaqii Bulshada Caalamiga ah ee ahaa in la sameeyo khariirradada doorashada dib u dhacday. Waxaanu soo dhawaynaynaa dedaalka wada-hawlgalayaasha ee joojinta colaadaha. Khilaafkana waxa lagu dhamayn karaa wada hadal.

Maleeshiyada hubaysan ee Puntland ee ku sugan Laascaanood, ayaa xaaladda wiiqaya, waxaanu ku baaqaynaa inay ka baxaan..”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office